4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 19, 2021
Culimada iyo Isimada Puntland oo Barlamaanka Puntland uga digay inuu meel mariyo xeerka mamnuucaya gudniinka gabdhaha
 

Sabti, Juun, 19, 2021 (HOL) - Qaar kamid ah Culimada iyo Isimada Puntland ayaa ka hor yimid xeer lagu mamnuucayo gudniinka gabdhaha, kaas oo todobaadkii hore ay meel mariyeen golaha wasiiradda Puntland.

Xeerkaan oo aan weli loo gudbin barlamaanka Puntland ayaa guud ahaanba meesha ka saaraya in wax gudniin ah lagu sameeyo gabdhaha islamarkaana ciddii wax guda la ciqaabidoono.

Maalin kadib markii la meel mariyay xeerkaan, ayay culimada Puntland ka hor yimaadeen, iyagoo sheegay inuu gef ku yahay qodob shareecadda islaamka kamid ah oo oggolaanaya gabdhaha in la gudo, gudniinkaas oo ah mid aan waxyeelo naftooda u geysanayn.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo kamid ah Isimada Puntland oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Qardho ayaa sheegay gudniinka gabdhuhu inuu yahay Sunno soo jireen ah oo aan sinaba loo aqbali karin in meesha laga saaro.

“Wixii ka hor imaanaya Naska, xaddiis ama Aayad, wax aan aqbali karno ma ahan. Mana yeeli karno. Waxaan leeyahay ciddii gefkaas ku kacday oo hay'addo sandareero yar ka qaadatay, ilaaheey ha u toobad keenaan,” ayuu yiri boqor Burhaan Boqor Muuse.

Boqor Burhaan ayaa ugu digay barlamaanka Puntland in ay ka fiirsadaan xeerkaan, wuxuuna ku boorriyay in si lamid ah barlamaanadii ka horeeyay ay u diidaan xeerkaan meel marintiisa.

Dhawaan ayaa la filayaa in barlamaanka Puntland oo ku jira kal fadhigooda loo gudbiyo xeerkaan muranka badan uu ka taagan yahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online