4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 18, 2021
Taliska Xoogga dalka oo faahfaahin ka bixiyay qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay Saldhiga Biyo Cadde
 

Jimco, Juun, 18, 2021 (HOL) - Taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa faahfaahino dheeraad ah ka bixiyay qarax Ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Saldhig ciidanka Xooga dalka ku leeyihiin deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Sh/dhexe.

Taliska ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa kaaso ka dhacay afaafka hore ee Saldhiga ciidan dowladda ku leeyihiin Biyo Cadde.

“Lama soo sheegin wax khasaare dhimasho ah oo soo gaaray Ciidamada Xoogga Dalka ee halkaas ku sugnaa, hasayeeshee waxaa dhaawacyo kasoo gaareen illaa 4 Askari oo kamid ahaa ilaaladii saldhiggaasi” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in ciidanka Xoogga aay ka war hayeen xogta qaraxa, kuna jireen diyaar garoow dheeri ah kana hortageen qorshahii shabaabkanku doonayeen khasaare intaas ka badan.

Jenaraalka ayaa intaasi ku daray hadalkiisa in ciidanka dowladda aay mar waliba u taagan yihiin difaaca dalka aayna sii laba jibaari doonaan howlagalada aay kula dagaalamayaan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]