4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 13, 2021
Hoggaamiyaha Kacdoonka Hiiraan oo ka hadlay kulan la sheegay inuu dhexmaray isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle
 

Axad, Juun, 13, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha Golaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo maanta shir jaraa'id ku qabtay gudaha magaalada Baledweyne ayaa si faahfaahsan uga hadlay kulan la sheegay inuu dhexmaray isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed.

Jenaraal Abuukar Xuud ayaa sheegay ineysan jirin wax kulan gaar ah oo siyaasadeed oo dhexmaray isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed balse aay jirto iney ku kulmeen kulan gaar ah oo aay beeshooda laheyd.

"Way jirtaa inaan Dabageed xalay kulanay ee majirin wax kulan gaar ah oo ina dhexmaray anniga iyo isaga ee waxaan ku kulanay kulan qaraabeysi ah oo beesha u dhaxeeyay, waxaana uu igu soo hadal qaaday in dadku naceen ana waxaan ku iri dadkada dhinac kasoo raac kuma necbe" ayuu yiri Jenaraal Abuukar Xuud.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ku aadan kulan la sheegay inuu xalay dhexmaray isaga iyo hoggaamiyaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Xuud oo si weyn maanta ilaa xalay looga hadal haayay magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]