
newsinsideNinka odayga ah ee lagu dhex dilay hoygiisa ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Odawaa waxaana la sheegay inuu ka mid ahaa dadka xoogsatada ah ee ka shaqeya dhismayaasha dhagaxa ah, lama oga ilaa hadda sababta ka dambeysa dilkiisa walow ninkii dilka geystay uu isaga baxsaday goobta.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in marxuumka dhintay lagu hor toogtay xaaskiisa, islamarkaana aay la yaaban yihiin sababta ka dambeysa dilkan fajaca ku abuuray dadka degan xaafada Ubax ee degmada Caabudwaaq.
Marxuumka lagu dhex toogtay hoygiisa ayaa la sheegay inuu ifka kaga tagay 8 caruur ah iyo hooyadood oo ku noola, waxa uu xoogiisa kaga soo shaqeysto dhismayaasha guryaha dhagaxa ah.
Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa dilka kadib gaaray goobta lagu dilay Marxuum Axmed Odawaa kuwaas oo baaritaano ka bilaabay xaafada uu dilka ka dhacay iyaga oo baadi goobaya ninkii dilka geystay oo goobta isaga baxsaday.
Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]