4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 11, 2021
Somaliland oo ka jawaabtay war ay Puntland kasoo saartay imtixaanaadka shahaadiga ah ee gobolka Sanaag
 

Jimco, Juun, 11, 2021 (HOL) - Wasaarada waxbarashada Somaliland, ayaa xagjirnimo ku tilmaantay go’aan ay Puntiland ku sheegtay in ay imtixinaaadka shahaadiga ah ee Somaliland kaga mamnuucayso gobolka Sanaag.

Qoraal ay soo saartay wasaarad waxbarashada Somaliland, ayaa lagu sheegay in wasaarada waxbarashadu ay u xilsaarantahay kobcinta aqoonta iyo garaadka bulshada isla markaana imtaxanaadka ay qaadaysay muddo 25 sano.

“Wasaarada waxbarashada Somaliland waxay u xilsaarantahay in bulshada aqoontooda iyo garaad kooda la kobciyo, 25 sano ee u danbeeyay waxa si habsaami ah imtaxaan ka looga qaadayay dhamaan ardayda dalka” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Wasaarada waxbarashada ayaa go’aanka dowlad goboleedka Puntland ku tilmaantay mid xag jir ah oo sharciga baal marsan.

“Waxaanu baraha bulshada ku aragnay warqad kasoo baxday maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo u jeedadeedu tahay khal khal galinta goobaha imtaxaanaadka shahaadiga ah ee qaybo kamida dalka”.

“Wasaarada waxbarashadu waxay u aragtaa qoraalkaas hadal xagjirnimo ah, oo aan sharciyad ku dhisnayan, oo aan haba yaraatee wax samayn ah ku yeelan doonin howlaha qaadista imtaxaanaadka shahaadiga ah” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Wasaarada waxbarashada ayaa maamulka gobolka Badhan fartay in ay fiiro gaara u yeeshan dhaqdhaqaaqyada Puntland.

“Waxanu maamulka gobolka Bahdan faraynaa, in ay fiiro gaara u yeeshaaan, hadalka xagjirnimo da ah si aan waalidiinta iyo ardayda loo galin dareen aan jirin”ayaa lagu yidhi qoraalka.

Hadalka kasoo baxday dowlad goboleedka Puntland, ayaa imanaya xili 19 bishan Juun imtixanaadka shahaadiga ah looga fadhiisan doono guud ahaan Somaliland.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]