4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 10, 2021
Wiilal dhalinyaro ah oo Xalay siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho
 

Khamiis, Juun, 10, 2021 (HOL) - Wiilashaan dhalinyarada ah ayaa siyaabo kala duwan xalay loogu dilay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Dilalka ayaa ka kala dhacay degmooyinka Hodan iyo Deyniile ee gobolka Banadir waxaana loo geystay laba wiil oo dhalinyaro yar yar ahaa.

Dilka koowaad ayaa ka dhacay xaafada Siigaale ee degmada Hodan waxaana loo geystay wiil lagu magacaabi jiray Nuuradiin kaaso la sheegay in dilkiisa uu geystay Askari Bistoolad ku hubeysanaa, lama sheegin ilaa hadda sababta ka dambeysa dilka wiilkaasi dhalinyarada ahaa.

Dilka labaad ayaa isna xalay waxaa loogu geystay degmada Deyniile wiil kale oo dhalinyaro ahaa kaaso lagu magacaabi jiray Jabriil Cabdi Aadan, waxaana la sheegay in dilkiisa aay ka dambeyeen rag burcad ah oo doonayay iney ka dhacaan Mobeyl oo gacanta ku sitay isna uu ka madax adeegay inuu dhiibo dabadeedna aay xabad ku dhufteen, iyagoo goobta isaga baxsatay burcadii dilka geysatay.

Muqdisho waxaa maalmahii lasoo dhaafay kusoo kordhayay falalka amaan darada gaar ahaan falalka la xariira dhaca loo geysanayo dadka shacabka ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]