4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 9 , 2021
Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir oo Puntland ku taageeray xukunka ay ku fulisay xubno katirsanaa kooxda Alshabab
 

Jimco, Luulyo, 9, 2021 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir Cali yare Cali ayaa soo dhoweeyay xukunkii dilka ah ee  ay Puntland ku fulisay 18 xubnood oo katirsanaa ururka Alshabab, kuwaas oo ka dambeeyay dilalkii iyo qaraxyadii Gaalkacyo laga fuliyay tan iyo sanadkii 2008.

“Waxaan maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ku garab taagannahay go'aanka geesinimada leh oo ay indhaha uga rideen cadowga Ummada Soomaaliyeed ee Alshabaab waxaanan ku boorineynaa in ay sii xoojiyaan howsha,” ayuu yiri guddoomiye Cali yare oo qoraal soo dhigay bartiisa facebook.

Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir, ayaa sheegay in ay la xisaabtami doonaan dad uu sheegay in ay warbaahinta uga doodayaan xubno Alshabaab ah oo hadda maxkamadayntooda ka socoto Gaalkacyo lagu xukumay dil.

“Waxaa dhakafaar igu noqotay inaan maanta Telefeshinada ka daawaday dad jooga gobolka Banaadir oo u doodaya Dambiilayaashii qiraalkooda iyo caddemahooda lagu xukamay. Waa wax aan dhici karin inaan gobolka Banaadir wada joogno annaga iyo qof si dadban oo aan qarsoodi laheyn Idaacaddaha ugu doodaya Shabaab waana la xisaabtameynaa dadkaas,” ayuu yiri Cali Yare.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir wuxuu sheegay dadka hadda gacanta lagu hayo in ay qirteen dilal badan oo ay ka geysteen Muqdisho iyo koonfurta Gaalkacyo, sidaad darteedna ay qalad weyn tahay in qaab qabiil ah lagu difaaco.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online