4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 9 , 2021
Gaari aay saarnayeen dad Shacab ah oo miino kula qaraxday gobolka Mudug
 

Jimco, Luulyo, 9, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya inta u dhaxeysa deegaanada Qeycad iyo Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi qarax miino kula kacday gaari ay saarnayeen dad shacab ah.

Inta xaqiijiyay laba ruux oo shacab ah oo la sheegay iney saarnayeen gaari nooca loo yaqaano Caasi ama Homeey ayaa ku geeriyooday qaraxa qabsaday gaariga aay sarnayeen xili ay marayeen inta u dhaxeysay deegaanada Qeycad iyo Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in gaariga miinada la kacday aay saranayeen labada ruux ee ku dhintay oo kala ahaa wadahii gaariga iyo qof kale oo la socday.

Halka qaraxa miino ku haleeshay gaariga ayaa la sheegay iney aheyd, goob uu dhawaan dagaalo kulul ku dhexmareen Al-shabaab iyo ciidamada Daraawiishta Galmudug oo kaashabaya kuwa dowladda Soomaaliya.

Qaraxyada miinada ee lagu aaso dhulka xiliyada dagaalada ayaa waxaa waxyeelo kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh u geysta dadka shacabka ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]