4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 7 , 2021
Hay'ada caafimaadka adduunka oo qalab caafimaad ku wareejisay Somaliland
 

Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) - Hay'ada caafimaadka adduunka ee WHO, ayaa qalab caafimaad oo loogu talo galay dadka dhaawacyadu soo gaadhan ku wareejisay Somaliland.

Qalabka ayaa waxa hay'ada caafimaadka adduunka kala wareegay agaasimaha wasaarada caafimaadka Maxammed Cabdi Xergeeye.

"Qalabkan wuxu wax wayn ka tari doona gargaarka deg dega ah, waxanu kala wareegnay 2 taroma kit oo A ah iyo 2 B ah" ayuu yidhi.

"Taroma kit ku waa qalabka loo isticmaalo gargaarka deg dega ah, ama xiliyada shilaalku dhacaan".

Taroma kit kaasi wuxu wax wayn ka tari doona shilalka wadooyinka oo inta badan dhaawacyo inaga soo gaadhaan" ayuu hadalkiisa ku daray.

Dad tiro badan ayaa bil kasta dhaawacyo kasoo gaadhaan shilalka baabuurta ee gudaha Somaliland, waxana la rajaynayaa in deeq dani wax ka tari doonto la tacalida dhaawacyada.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online