4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 7 , 2021
Xulka Taliyaaniga oo u gudbay ciyaarta Finalka koobka EURO 2020 kadib markuu Spain reebay
 

Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (HOL) - Xulka kubadda cagta Taliyaaniga ayaa si dirqi ah ku reebay dhigiisa wadanka Spain kadib ciyaar adag oo ku dhex martay garoonka Wembley ee ku yaallo magaalada London ee caasimada Ingiriiska.

Ciyaarta oo aheyd Semi-final, ayaa qeybtii hore ku dhammaatay goolal la’aan, balse markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ayaa daqiiqadii 60-naad Taliyaanigu wuxuu helay Gool uu u dhaliyay ciyaaryahankoodu Federico Chiesa oo ciyaarta ka dhigay Hal iyo Ebar uu taliyaanigu ku hoggaaminaayo. Balse daqiiqadii 80-naad ayaa waxaa barbareeyay Alvaro Morata oo Spain weerarka oga ciyaaro.

Sagaashankii daqiiqo ee lagu tala galay ciyaarta waxay ku dhammaatay bareejo Gool iyo Gool ah, sidoo kalana wax gool ah lama kala dhalinin 30-kii daqiiqo ee ciyaarta lagu daray.

Goolal-ku-laadyo loo dhigay labada koox ayey guushu ay ku raacday wadanka Taliyaaniga kadib marka ay dhaliyeen afar Rigoore oo loo dhigay halka Spain ay khasaariyeen labo ka mid ah gool-ku-laadyadii loo dhigay.

Taliyaanigu wuxuu sidaas ogu soo gudbay ciyaarta kama danbeysta ama Final-ka ah ee koobka EURO 2020, wuxuuna mar kale 11-ka bishaan oo ku beegan Axada soo socoto uu isla garoonkaan Wembley kula ciyaari doonaa ciyaarta Finalka koobkaan, xulalka England iyo Denmark oo maanta dheeli doono midkoodii soo raayo.

Ugu danbeyn Xulkaan lagu naaneyso Gli Azzurri ee Italy oo xilliyadii dhawaa aanan saameyn badan ku laheyn tartamada Yurub, ayaa sannadkaan waxaa hoggaaminaayo macallin Roberto Mancini oo horay u soo tababaray kooxo waa weyn oo ay ka mid yihiin:- Fiorentina, Lazio, Inter Milan iyo Manchester City. Wuxuuna hadda soo reebay xulal adag oo Belgium iyo Spain ay ka mid yihiin.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected]