4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 5 , 2021
Puntland oo bilowday wajigii labaad maxkamadaynta xubno katirsan ururka Alshabaab oo koonfurta Gaalkacyo ka howgali jiray
 

Isniin, Luulyo, 5, 2021 (HOL) - Maxkamada ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland ayaa bilowday dhegaysiga maxkamadaynta 7 nin oo dhalinyaro oo lagu eedeeyay in ay yihiin shabakad katirsan Alshabaab oo ka howlgali jiray koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

Maxkamada ciidamada Puntland, ayaa soo bandhigtay caddeymo maqal iyo muuqaal oo ay eedeesanayaashu ku qiranayaan in ay ka dambeeyaan dilal madax jebis ah iyo qaraxyo intooda badan ka dhacay Gaalkacyo dhinaceeda koonfureed ee Galmudug.

Dilalka ay qirteen qeybtood waxaa kamid ah, dilkii labadii july ee sanadkii 2019 loo geystay taliyihii saldhigga Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug, Cawil Nuur Roobe ( Cawil Tubaako), oo u geeriyooday qarax gaarigiisa loogu xiray, dilkii 14 june 2019 loo geystay Cali Tahliil Cadceed (Cali Dhiif), sarkaal katirsanaa NISA, dilkii kowdii june 2019 loo geystay, Maxamed Cabdi Khayre (Fiimto) oo ahaa sarkaal katirsanaa hay’addaha Qaramada Midoobay.

Eedeeysanayaasha waxaa ku jiray qaar kaloo qirtay in ay wax ka abaabuleen qaraxii taliyihii hore ee ciidanka lugta Soomaaliya, gaashaanle sare Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo weerarkii lagu qaaday xaruntii Sheikh Cabdiweli Cilmi Cali Afyare.

Waa dhegaysigii labaad oo maxkamada ciidamada Puntland u fariisto eedeeysanayaal katirsan Alshabab, kuwaas oo howlgalada ugu badan ka fulin jiray koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Dhawaan ayay ahayd markii Puntland ay xukun dil ah ku fulisay 18 nin oo katirsanaa kooxda Alshabaab, kuwaas oo tan iyo sanadkii 2008 masuul ka ahaa qaraxyadii iyo dilalkii lagu laayay haldoorkii Puntland, sida uu sheegay maamulka Puntland.

Akhriso magacyada eedeesanayaasha;-

Cabdiqadar Cabdulle Xasan (Muruq)

Maxamed Cabdullaahi Xuseen

Liibaan Ciise  Cali    (Madax kariye)

Nuur Xuseen Cabdiqaadir (Manuur)

Maxamed Sharafle Maxamuud (Culusow)

Axmed Cali Axmed

Xasan Isaaq Maxamed


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online