4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 4 , 2021
Xukuumada Somaliland oo war kasoo saartay duur-joogta dadku sida gaar ka ah u haystaan
 

Axad, Luulyo 4, 2021 (HOL) - Wasaarada deegaanka Somaliland, ayaa sheegtay in ay la wareegayso dhamaan xayawaanka duur-joogta ah ee shacabku haysto.

Digreeto kasoo baxday wasaarada deegaanka ayaa lagu sheegay in xeerka duur-joogtu uu sheegayo in wasaaradu masuul ka tahay duur-joogta.

Hindisaha ay xukuumadu duur-joogta shacabku haystan kula wareegayso, ayaa yimid kadib markii libaax ka baxsaday xero xayawaan oo Hargaysa ku taala uu shacab waxyeelo u gaystay.

Hoos ka akhriso warbixinta ay wasaaradu soo saartay oo dhamaystiran:-


Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]