4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 4 , 2021
Shil baabuur oo Gabilay ka dhacay oo sababay dhimasho iyo dhaawac
 

Axad, Luulyo 4, 2021 (HOL) - Shil baabur oo ka dhacay degmada Gabilay, ayaa sababay dhimashada 1 qof iyo dhawaca 8 kale.

Shilka ayaa waxa sababay gaadhi Noah ah iyo gaadhi Land cruiser ah oo si xoowli ah ku dhex maray magaalada Gabilay.

Marxuumka shilka ku geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Khadar Daahir, ayaa rakaabka u kala qaadi jiray degmooyinka Arabsiyo iyo Gabilay.

Dadka shilka ku wax yeeloobay ayaa lagu dawaynayaa isbitaalka guud ee magaalada Gabilay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]