4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 4 , 2021
Jenaraal Xuud " Qof walba xaniinyahiisa ayuu fuulaya, wax waan waan dambe magaleyno"
 

Axad, Luulyo 4, 2021 (HOL) - Hoggaamiyaha golaha kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta ka dambeysa dagaal ka dhacay magaalada Baledweyne iyo waxyaabaha keenay.

Jenaraal Xuud ayaa sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii looga baxay balan lala galay oo ahaa inaan Baledweyne lagu qaban karin shirar iyo kulamo la xariira maamulka Hirshabeelle waa sida uu hadalka u dhigaye.

" Dagaalka waxaa keenay Hirshabeelle oo dhowr iyo toban wasiir geysay magaalada si ay shir ugu qabsadaan, waxayna ka baxeen heshiis ay nala galeen oo ahaa inaan kulan ama  masuuliyiin kale imaan karin Baledweyne" ayuu yiri Jenaraal Xuud.

Janeraalka ayaa sheegay in khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalkii xalay uu yahay dhaawaca laba askari, isagoona sheegay dhanka kale inuu ka arkay dhaawaca afar askari.

Jenaraal Xuud ayaa sidoo kale ugu hanjabay ciidamada AMISOM oo gacanta ku haya garoonka diyaaradaha Baledweyne iney qarxin doonaan diyaarad dambe oo sida madax ka tirsan Hirshabeelle hadii aay kasoo degto garoonka Baledweyne

"Diyaaradahii Baledweyne waxay noqdeen kuwa Hirshabeelle u shaqeeya hadii diyaarad dambe soo degto waan qarxin doona, wax waan waan ah oo aan geli doonana majiran nin walba xaniinyahiisa ayuu fuulaya" ayuu yiri Jenaraal Xuud.

Hadalka Jenaraalka ayaa imaanaya xili xalay ciidamo isaga daacad u ah dagaal xoogan kusoo qaadeen gudaha magalada Baledweyne oo ilaa haatan laga dareemayo xiisad dagaal.

Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Hirshabeelle oo ku aadan dagaaladii xalay Baledweyne ku dhexmaray iyaga iyo ciidamada Kacdoonka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]