4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 23, 2021
Shil baabuur oo galaaftay nolosha dad rakaaba oo ka dhacay Boorama
 

Jimco, Luulyo, 23, 2021 (HOL) - Wiil iyo gabadh dhalinyaro ah ayaa inta la ogyahay ku nafwaayay tiro kalena way ku dhaawacantay, shil baabuur oo ka dhacay meel aan ka fogayn hotelka Saw ee magaalada Boorama ee gobolka Awdal.

Shilka galaaftay noloshada dhalinyaradan, ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen gaadhi nooca loo yaqaano Vitz ta ah iyo Bas-caasi rakaab ah oo ay leedahay shirkada socdaalka alaabada iyo rakaabka ee Bari iyo Galbeed.

Shilalka baabuurta ayaa sanadkasta nolosha kumanaan qof ku galaafta deegaanada Somaliland, iyadoo shilkii ugu danbeeyay ee dad ku dhintaan uu 21 bishan Luulyo ka dhacay degmada Xamaas oo u dhaxaysa Hargaysa iyo Berbera.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]