4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 23, 2021
Wafti Jabuuti ka socda oo soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargaysa
 

Jimco, Luulyo, 23, 2021 (HOL) - Wasiirka wasaarada dhaqanka iyo dhalinyarada dalka Jamhuuriyada Jabuuti Marwo Hibo Muumin iyo wafti ay hogaaminayso, ayaa soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargaysa.

Waftiga ka socda Jamhuuriyada Jabuuti ayaa Hargaysa u yimid in ay ka qayb galaan carwada bandhiga bugaagta ee caalamiga ah ee Hargaysa (Hargeisa International Book Fair) oo maalinta bari ee 24 bishan Luulyo ka furmi doonta Xarunta Dhaqanka ee Hargeisa.

Wafiga ayaa waxa madaarka Cigaal ee caasimada Hargaysa kusoo dhaweeyay wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibadda Somaliland ahna ku simaha wasiirka Liibaan Yuusuf Cismaan.

Waxaa jira wufuud kale oo ka socota waddamada jaarka sida dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, oo soo gaadhaya magaalada Hargaysa si ay maalinta bari ah uga qayb galaan bandhiga bugaagta Hargeisa.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]