4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 23, 2021
Ciidamadda xoogga dalka iyo kuwa Galmudug oo mar kale Shabaab ku qaaday dagaal culus oo duqeymo wata
 

Jimco, Luulyo, 23, 2021 (HOL) - Wararka aan ka helayno koonfurta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in ciidamadda xoogga dalka iyo kuwa Galmudug ay dagaal culus oo qeyb ka ah duqeymo ku qaadeen xarumo kooxda Alshabab ku lahaayeen konfurta gobolka Mudug.

Wasaaradda amniga Galmudug ayaa sheegtay in duqeynta ay ka dhacday deegaanadda Qaycad iyo Hareeri dheere dhexdooda, waxaana xigay dagaal toos ah oo ay qaadeen laamaha Amniga

“Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen Qaycad iyo Hareeri dheere dhexdooda, waxaana hadda horey u galay ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Amniga.

Illaa iyo hadda lama oga khasaaraaha ka dhashay dagaalka socda, inkastoo wasaaradda amniga Galmudug ay sheegtay in ay jab weyn u geysteen kooxda Alshabab lana wareegeen dhul badan.

Wixii faahfaahin ah oo so kordha kala socda Hiiraan Online.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online