4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 23, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Guddiga Doorashada heer Fedaraal


Jimco, Luulyo, 23, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan casho sharaf la qaatay guddiga doorashooyinka heer Fedaraal.

Raysal wasaare Rooble ayaa cashada sharafta kadib ka xog wareystay guddiga halka ay wax u marayaan, islamarkaana kula dardaarmay iney doorashada dalka u maamulaan si daahfuran oo cadaalad ku dheehan tahay kana fogaadaan nin jecleysi.

Guddiga doorashada ayaa dhankooda Raysal wasaaraha Soomaaliya u gudbiyay caqabadaha haysta oo ay ugu horeyso ineysan haynin dhaqaalahii lagu qaban lahaa doorashada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa kaloo sheegeen in qaar ka mid ah Madaxweynayaasha maamulada qaarkood ayasan wali soo gudbin liiska xubanaha ku tartamaya Aqalka Sare.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]