4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 22, 2021
Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga
 

Khamiis, Luulyo, 22, 2021 (HOL) - Wasaaradda waxbarashada dowladda federalka Soomaaliya ayaa goor dhowayd shaacisay natiijada imtixaankii shahaadiga fasalka 12-aad sanad dugsiyeedka 2020/2021.

Wasaaradda waxbarashadu waxay soo bandhigtay tobankii arday ee ugu sareeyay natiijada imtixaanka, waxaana kaalinta koowaad u galay, Cawaale Axmed Aw-cali oo ka socday dugsiga sare ee Waaberi ee magaalada Gaalkacyo

30,262 oo arday ayaa guud ahaan imtixaanka ku baasay, halka ay dhaceen tiro gaaraysa 4,646 arday oo intooda badan ah ardaydii gobolka Banaadir.

Tirada guud ee sanadkan u fariisatay imtixaanka ayaa ahayd 34,908 arday, kuwaas oo ka kala socday, Banaadir, Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle iyo Koonkur galbeed.

Halkaan hoose ka akhriso natiijada imtixaanka:-


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online