4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 22, 2021
Daacish oo gobolka Bari kusoo bandhigay qeybo kamid ah ciidamadooda kadib howlgaladii Puntland ee dhawaan


Khamiis, Luulyo, 22, 2021 (HOL) - Warbaahinta rasmiga ah ee ururka Daacish qeybtooda Soomaaliya, ayaa daacday sawirro ku saabsan dagaalamayaasha Daacish iyo saraakiishooda oo ku sugan deegaano katirsan gudaha Puntland.

Daacish ayaa sanad kaste marka la gaaro xilliyada Ciidaha waxay dhulka buuralayda gobolka Bari kusoo bandhigan dhoolatus milatari, waxayna muujiyaan awooddooda ciiddan iyo hubkooda.

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa maalmo kadib Punttland ay sheegtay in ay burburisay saldhigyadii Daacish ku lahaayeen gobolka Bari kadib howlgalo labo todobaad socday oo lagu weeraray xarumahooda.

Wasiirka amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa sheegay in ay dileen inta badan dagaalamayaashii daacish ayna ka sifeeyeen dhulkii ay ku sugnaayeen.

Balse, muuqaalkan cusub wuxuu muujinayaa in Daacish weli ay ku sugan tahay gobolka Bari ayna weli leeyihiin awood ciidan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online