4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 22, 2021
Galmudug oo shaaciysay inuu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsan Al-shabaab
 

Khamiis, Luulyo, 22, 2021 (HOL) - Taliska ciidamada Daraawiishta maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay inuu isku soo dhiibay sarkaal sare oo la sheegay inuu ka tirsana dagaalamayaasha Al-shabaab.

Taliyaha Galmudug ugu magacaaban la dagaalanka argagaxisada Geedi Qalabxoor ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in sarkaal lagu magacaabo Dalabeey Cabdi Macalin uu isku soo dhiibay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyee ee ku sugan deegaanka Bacaadweyne ee gobolka Mudug.

Taliye Geedi ayaa sidoo kale sheegay iney jiraan saraakiil kale oo ka tirsan Al-shabaab oo lasoo xiriiray ciidanka dowladda kuwaas oo doonaya iney isaga soo tagaan Al-shabaab.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud ee maamulka Galmudug waxaa mudooyinkii dambe ka socday dagaalo culus oo u dhaxmaraayay ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Fedaraalka oo iskaashanaya iyo kuwa Al-shabaab.

Dhinaca kale madaxtooyada maamulka Galmudug ayaa warsaxafadeed ay soo saartay kaga hadashay howlgalada ka socda deegaanada Mudug iyo waliba dagaalada dhexmaray Galmudug iyo Al-shabaab.

Warsaxafadeedka kasoo baxay madaxtooyada Galmudug ayay guulo kaga sheegatay Galmudug dagaalada dhexmaray iyaga oo kaashanaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Al-shabaab.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]