4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 20, 2021
Soomaalida sharci la'aanta ku jooga Maraykanka oo la siiyay waqti dheeri ah
 

Talaado, Luulyo, 20, 2021 (HOL) - Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay u kordhisay Soomaalida sharci la’aanta ku jooga dalka Maraykanka muddo 18 bilood ah, laga bilaabo Sebtember 18, 2021, illaa Maarso 17, 2023.

Dib u cusboonaysiintan  ayaa u oggolaan doonta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida joogtada ah u degganaa Mareykanka tan iyo July 19, 2021 inay soo gudbiyaan codsiyadoodii hore.

Go'aanka loogu kordhiyay muwaaddiniinta Soomaaliyeed ayaa loo aaneeyay sababo la xiriira xaaladdaha amni ee Soomaaliya ay ku sugan tahay, arrimaha binu'aadinimada iyo cudurka COVID-19.

Soomaali badan ayaa sharci la’aan ku jooga dalka Maraykanka, kuwaas oo qeyb kamid ah xilligii madaxweyne Trump dib loogusoo celiyay Soomaaliya.

Go’aankan cusub waxaa  ka faa’idaysandoonaa illaa 100 Soomaali ah oo aan haysan sharciyada Maraykanka, kuwaas oo markii hore Maraykanka ku galay si qarsoodi ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online