4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 20, 2021
Shilkii dayaaradeed ee ugu xumhaa oo ka dhaca dalka Soomaaliya, afartan sanno ka hor (Luuliyo 20, 1981)

Talaado, Luulyo, 20, 2021 (HOL) Afartan sanno ka hor, maanta oo kale (Luuliyo 20, 1981), Soomaaliya waxaa ka dhacay shil dayaaradeed kii ugu xumaa ee taariikhda, kaas oo sababay dhimasho ilaa 50 qofood, sagaal ka mid ah dadkii geeriyoodayna ay isku qoys ahaayeen.

Dayaarad nooca Fokker F-27 kuna diiwaan gashaneyd 6O-SAY ee sharikaddii Somali Airlines oo ku socotay magaalada Hargeysa ayaa waxay ku dhacday xerada Hilaweyn ee agagaarka magaalada Balcad, daqiiqado markii ay ka kacday garoonka Adan Cadde. Waxaana halkaas ku dhintay 44 qofood oo ahaa rakaabkii dayaaradda iyo lix qofood oo ka mid ahaa shaqaalihii dayuuradda.

Dayaaradaas ayaa waxaa Kaptan ka ahaa allaha u naxariistee Cabdi Maxamed Maxamuud oo loo yaqaanay Kaptan Dhafuuji, waxaana kal-kaaliye u ahaa Cali Umul, waxaa sidoo kale la socday afar ka mid ahaa howl-wadeenada dayaaradda oo kala ahaa Injineer Cali Foodcade, Abshiro iyo Fuad.

Dadkii ku dhintay dayuuradaans ayaa waxaa ka mid ahaa Jeneraal Cumar Cusmaan Diiriye oo ka tirsanaa ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed, saddex walaalihiis ah, xaaskiisii oo uur la hayd iyo afar ka mid carruurtiisa. Runtii waxay ahayd musiibo aad looga naxo in sagaal (9) isku wada qoys ah ay halkaas ku wada dhintaan.

Waxaa sidoo kale xusid mudan qaabka uu dayaaradda ku raacay Injineer Cali Foodcade oo sida la sheegay markaas shaqada soo galay. Sida caadada ah Injineer looma baahna in uu raaco dayaaradda maadaama injineer kale uu ku sugnaa magaalada Hargeysa, laakin waxaa codsaday Kaptan Dhafuuji.

Qoraal laga soo saaray baaritaan la xiriira sababta ay u dhacday dayuuradaas ayaa waxaa lagu sheegay in ay dayuuradda gashay roobab watay dabeylo xoogan oo aroortaas ka dacayey agagaarka magaalada Moqdishu. Intkasta ay su’aalo ka yimaadeen baaritaankaas, maadaama bisha Luuliyo ay ku began tahay xilliga XAGAAGA  oo roobab xoogan aysan ka di'in agagaarka magaalada Muqdisho.

Sideed(8) sanno ka dib, bishii Juun 28, 1989 ayeey Fokkertii kale ee sharikadda Somali Airlines ku dhacday agagaarka magaalada  Hargeysa oo sida la sheegay ay soo rideen jabhaddii SNM oo markaas dagaalka kula jirtay dowladdii Maxamed Siyaad Barre. Dayuuradaas ayaa waxaa ku geeriyooday 30 qofood oo isugu jiro rakaabkii iyo how-wadeenadii dayuuradda.