4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 20, 2021
Faysal Cali Waraabe oo codsi udiray madaxweynaha Somaliland
 

Talaado, Luulyo, 20, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ka codsaday in wasiiradu ay faraha kala baxaan doorashada shirgudoonka wakiilada.

Faysal ayaa sheegay in qaar kamida wasiirada xukuumada Somaliland ay faraha kula jiraan doorashada shirgudoonka golaha wakiilada, waxanu madaxweynaha ka codsaday in wasiiradiisu ay faraha kala baxaan doorashada shirgudoonka.

"Madaxweyne doorasho qurux badan ayaa inoo dhacday, waxaynu adduunka tusnay in aynu nahay dad wax qabsan kara oo is xamili kara, madaxweyne waxan kaa codsanayaa in wasiiradaadu fara faraynta ka daayaan xildhibaannada lasoo doortay"ayuu yidhi

Faysal ayaa ku andacooday in golaha wasiiradu ay shaqadoodii ka mashquuleen, kuna mashquuleen xod xodashada xildhibaannada isbahaysiga mucaaradka, oo ay doonayaan in ay ka dhaadhiciyaan in ay taageeraan musharaxa Kulmiye u wato doorashada shirgudoonka.

"Intii doorashadu bilaabantay may shaqo tagin, waxay u ahayd mar ay lasoo kaambayn gareeyaan reeraha musharixiinta Kulmiye, imikana waxay ku mashquulsanyihiin in ay xildhibaannada isbahaysiga ee bad baado qaran jaha wareeriyaan" ayuu yidhi.

"Dowladu waa in ay shaqayso, adna waxan kaa codsanayaa madaxweyne in aad tola'ay  dan iyo ficiltankan hoose aad ka baxdo oo  dal baad u dhaarataye aad si  caddaalad ah ku hogaamiso" ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Codsiga Faysal ayaa imanaya xili In kabadan 9 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee UCID, ay taageero u muujiyeen musharaxa xisbiga Kulmiye u cumaamaday jagada shirgudoonka wakiilada.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online