4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 19, 2021
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay iney howlgal qorsheysan ku dileen 15 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab
 

Isniin, Luulyo, 19, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Kaban ee Waqooyiga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ciidamo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya ka fuliyeen howlgalo qorsheysan oo lagu burburiyay Saldhig halkaasi ku lahayeen Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegeen in howlgalka ay ku dileen ilaa 15 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha Kumaandooska Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay saldhiga deegaanka Kaban uu ahaa mid ka mid ah Saldhigyada ugu waaweyn Shabaabka oo ay kasoo qorsheysan jireen weerarada iyo dagaalada ka dhaca Kismaayo iyo nawaaxigeeda.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhaqdhaqaaqyo xoogan oo ay kula dagaalamayaan Al-shabaab ka wada deegaano badan oo ka kala tirsan gobolada Jubooyinka, Sh/hoose iyo Sh/dhaxe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]