4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 18, 2021
Meydka laba wiil oo walaalo ahaa oo laga helay wabiga Shabeelle ee Magaalada Baledweyne
 

Axad, Luulyo, 18, 2021 (HOL) - Meydka laba wiil oo Walaalo ahaa oo ku dhacay Wabiga Shabeelle ee dhexmara gudaha magaalada Baledweyne ayaa laga helay xaafada Buundaweyn ee magaalada Baledweyne.

Wiilashaan walaalaha ahaa ayaa shalay Wabiga uga dhacay xaafada Buundaweyn helada Kiliga Waraaboole oo ka mid ah helooyinka loo dabaal tago waxayna doonayeen iney ku dabaashaan, maadama aysan iyagana dabaal aqoonin sidaasna uu wabiga ku qaaday.

Wiilasha Walaalaha ee meydkooda laga dhex helay wabiga Shabeelle ayaa lagu kala magacaabi jiray Qaalid Nuur Cadoow iyo Feysal Nuur Cadoow.

Wabiga Shabeelle ee dhexmara magaalada Baledweyne ayaa inta badan waxa uu qaada caruurta u dabaal tagta iyaga oo aanan garanen dabaasha, kuwaas oo muddo kadibna meydkooda uu soo tufo wabiga Shabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]