4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 17, 2021
Guddoomiye Cabdi Xaashi: Raysal wasaaruhu wuu kasii jeestay inuu xalliyo khilaafka guddiyada doorashada wakiilada Somaliland
 

Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ku eedeeyay raysal wasaare Rooble in aanu masuuliyad iska saarin xallinta khilaafka ka taagan doorashada xildhibaanada labada aqal ee Somaliland.

Warsaxaafadeed kasoo baxay guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu sheegay in raysal wasaaruhu ka gaabiyay masuuliyaddii ka saarnayd habsami u socodka howlaha doorashooyinka qaran iyo inay doorashadu u dhacdo si xor iyo xallaal ah.

Guddoomiyaha aqalka sare wuxuu sheegay in raysal wasaaraha looga fadhiyo midaynta guddiyada doorashooyinka Somaliland oo khilaaf awgiis u kala jabay labo garab oo iskasoo horjeeda.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online