4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 17, 2021
Xildhibaano ka tirsan xisbiga UCID oo isbahaysi la samaystay xisbiga Kulmiye
 

Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Inta la ogyahay 9 xildhibaan oo ka tirsan xisbiga UCID, ayaa isbahaysi siyaasadeed kula midoobay xisbiga Kulmiye.

Xildhibaanada ka socda xisbiga UCID iyo kuwa xisbiga Kulmiye oo is gaashaan buuraysanaya, ayaa ku dhawaaqay xubnaha ay la doonayaan shir gudoonka wakiilada.

Pro: Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayay u sharaxeen jagada guddoomiyaha golaha wakiilada, gudoomiye ku xigeenka koowad Siciid Mire Faarax, halka gudoomiye ku xigeenka labaad loo sharaxay Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax).

Xildhibaanada xisbiyada Waddani iyo UCID ayaa hore iskugu bahaystay aqlabiyada golaha wakiilada Somaliland.

Isbahaysiga ayay mucaaradku ku doonayeen in ay ku qaybsadaan shirgudoonka golaha wakiilada. Heshiiskan maanta ayaa dhabarjab ku ah isbabaysigi mucaaradka.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online