4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 17, 2021
Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo ka hadashay iney ciidamo u dirayaan dagaalka Tigreega
 

Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in suuragal tahay iney ciidamo u diraan dowladda dhexe ee dalka si ay uga qeyb qaataan dagaalka u dhaxeeya dowladda iyo Falaagada TPLF.

Wasiirka Warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida Cali Badal Muxumed oo la hadlayay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in maamulka dowlad deegaanka uu qeyb ka yahay dowladda Fedaraalka dalka Itoobiya, islamarkaana ay taageero u fidinayaan dagaalka ay dowladda dhexe kula jirto Jabhada TPLF.

"Dowladda dhexe ee dalka hadii ay taageero inooga baahato wan garab istaageyna waana suurtagal inaan ciidamo u dirno, balse horay uma jirin wax ciidan ah oo aan u dirnay ka qeybqaadashada dagaalka dowladda iyo TPLF" ayuu yiri Wasiir Cali Badal.

Wasiirka Warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sidoo kale sheegay iney ka go'an tahay maamulka deegaanka ka qeyb qaadashada sugida amniga deegaanada kale ee dalka Itoobiya, islamarmaana aysan ogolaan doonin in qalqal la galiyo amaanka deegaankan iyo dalkaba.

Hadalkan kasoo yeeray maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa inaanaya, iyadoo dowladda dhexe ee dalka Itoobiya ay dagaal aanan wali dhamaan muddo 8 bilood ah kula jirta Jabahada TPLF oo ka dagaalanta gobolka Waqooyi ee Tigreeyga.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]