4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 17, 2021
Dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay duuleedka degmada Janaale
 

Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada degmada Janaale ee gobolka Sh/hoose.

Tuulooyinka howlgalada sida gaarka ah looga fuliyay ayaa waxaa ka mid ah Busleey iyo Ugunji, halkaas oo uu ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in howlgalka ay ku dileen 7 xubnood oo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in howlgalada ay Shabaab kaga soo furteen hub iyo saanad ciidan, islamarkaana jab xoogan gaarsiyeen Shabaabkii ku sugnaa tuulooyinka Busleey iyo Ugunji ee hoos yimaada degmada Janaale.

Gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe waxaa mudooyinkii dambe ka jiray howlgalo culus oo aay ciidamada dowladda Soomaaliya kula dagaalamayaan dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Al-shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]