4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 17, 2021
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay Jadwalka ay soo saareen Guddiga Doorashooyinka
 

Sabti, Luulyo, 17, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha dowladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Jadwalka hanaanka doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ay soo saareen guddiga doorashooyinka heer Fedaraal ee FEIT.

“Waxaan soo dhaweynayaa oo bogaadinayaa jadwalka ay shaaciyeen guddiga maamulka doorashooyinka ee heer federaal, kaas oo si faahfaahsan u qeexaya xilliyada iyo qaabka ay u dhaceyso doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” ayuu yiri Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Raysal wasaare Rooble ayaa sidoo kale dowlad goboleedyada dalka uga mahadceliyay dadaalkooda iyo dabacsanaanta ay muujiyeen, islamarkaana ugu baaqay iney ku dhaasadaan hirgelinta qabsoomida doorashooyinka.

“Shacabka Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan doorasho nabdoon, daahfuran oo ka fog eex iyo qof jecleysi, kuna dhacda xilligii lagu heshiiyay, sidaas darteed waa in aan iska wada xilsaarnaa hirgelinta howshaas muhiimka ah, si aan dib u dhac lahayn” ayuu yiri Raysal wasaare Rooble.

Gabagabadii Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa beesha caalamka uga mahadceliyay kaalintooda nabadeynta iyo dowlad dhiska Soomaaliya, waxuuna ugu baaqay in ay taageeraan howsha hirgelinta doorashoyinka dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]