4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 15, 2021
Tartanka Gabayada oo ka bilaabmay magaalada Buuhoodle


Khamiis, Luulyo, 15, 2021 (HOL) - 32 tartame ayaa ka qaybgelaya oo sadex ka mid ahi tahay dumar tartanka gabayada oo maanta ka furmay xarunta Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Buuhoodle.

Tartankan oo ay soo qabanqaabiyeen uruka lagu magcaabo Qaryaddaada Quruxso ayaa waxaa ka soo qaybgalay marti sharaf iyo murti-meer ka kala yimi Garoowe, Burtinle, Burco, Hargeysa Laascaanood iyo degaano kale.

"Magaaladan Buuhoodle waxay caan ku tahay suugaanta siiba gabayada, waxaana ka xusayaa Seyid Maxamed Cabdule Xasan, Ismaaciil Mire, Cali dhuux, Suusle, Aadan Carab, Samatar Baxnaan iyo qaarbadan oo hadaan wado aanan dhamayn karin waxay ahaayeen reer Buuhoodle markaa waxaan odhan karaa waa hoyga suugaanta" sidaa waxaa yidhi Qoraa Cismaan Cabdinuur Xaashi oo furitaankii ka hadlayey tartankan.

Dadkii halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Abwaan Jaamac Kediye Cilmi oo suugaan taariikhda Buuhoodle dadkeeda amaanaya ayuu ku tilmaamay waxaanu tan oo kale ku tilmaamay in ay tahay mid xiiso u yeelaysa dhalinyarada soo kacaysa.

Waxgarad, Abwaano iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa dhamaantood halkaa ka hadlay ayaa waxay codsadeen in la joogteeyo tartamada noocan oo kale ah.

Si kastaba ha ahaatee talaabo ku diirsi leh ayaa dadku ku tilmaamayaan iyadoo aqoon kororsi iyo dadaalba u tahay dadka haatan soo koraya.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood