4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 14, 2021
Guddoomiyahii degmada Buula burte oo xilka qaadis lagu sameeyay iyo mid cusub oo la magacaabay
 

Arbaco, Luulyo, 14, 2021 (HOL) - Wareegto kasoo baxday Xafiiska wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa xilka qaadis waxaa lagu sameeyay guddoomiyahii degmada Buula burte Feysal Haajir Aadan.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Buula burte ayaa waxaa loo magacaabay Axmed Mahad Nuur, waxaana magacaabista guddoomiyaha cusub ay imaaneysa xili labadii maalmood ee lasoo dhaafay hakad ku jireen howlahii shaqo ee degmadaasi, kadib markii uu shaqo joojin ku sameeyay madaxweyne ku xigeenka Hirahabeelle Yuusuf Dabageed maamulka degmada Buula burte.

Xilka qaadista guddoomiyahii hore Feysal Haajir ayaa la sheegay iney salka ku hayso khilaaf daba dheeraaday oo u dhaxeeyay isaga iyo ku xigeenadiisa walow aanan la shaacin waxa keenay khilaafkaasi ugu dambeyn sababay in xilka looga qaado guddoomiyahii degmadaasi Feysal Haajir.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]