4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 14, 2021
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay banaanbaxyada rabshadaha iyo boobka wata ee ka socda dalka Koofur Afrika
 

Arbaco, Luulyo, 14, 2021 (HOL) - Dowlada Fedaraalka Soomaaliya ayaa ka hadashay banaanbaxyo iyo rabshado xoogan oo ka socda dalka Koofur Afrika oo saameyn xoogan ku yeeshay nolasha iyo ganacsiga Soomaalida dalkaasi ku sugan.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aad uga xuntahay afarta qof ee Soomaalida ah ee lagu dilay rabshadaha dalkaasi, islamarkaana boobka loogu geystay goobaha ganacsi ee Soomaalida.

"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujineysaa walaaceeda kaga aadan rabshadihii iyo bililiqadii ay ku dhinteen afar qof oo Soomaali ah kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, islamarkaana goobahooda ganacsi ay dhac ka geysteen tuugo hubaysan meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka KwaZulu-Natal ee Koonfur Afrika 72-dii saacadood ee la soo dhaafay " ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dowladda Koofur Afrika iney muujiso dadaalo xoogan oo la xiriira sidii ay uga hortagi laheyd falalka arxan darada ah ee loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed, islamarkaana la badbaadiyo noloshooda iyo goobahooda ganacsi.

Qoraalka kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku faanto xiriirka kala dhaxeeya dalka Koofur Afrika mudadii lagu soo jiray halgankii dheeraa ee midan kala sooca ahaa iyo taageeradii faraha badneed ee dhanka siyaasada iyo dhaqaalaha

Dalka koonfur Afrika waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday banaanbaxyo iyo rabshado oo ay la socdaan boob baahsan ay sameeynayaan taageerayaasha Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]