9/21/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 13, 2021
Raysal Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga amniga doorashooyinka
 

Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka, kuwaas oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, Gobolka Banaadir iyo Taliska AMISOM.

Kulankan ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo dardargelin lahaa howlaha horyaalla Guddiga Amniga, isla markaana ay u xaqiijn lahaayeen hannaanka amniga ee doorashada iyo goobaha ay ka dhaceyso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay xubnaha guddiga amniga masuuliyadda adag ee loo xil saaray in ay u gutaan si mas’uuliyadi ku dheehan tahay.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa leh hoggaaminta hannaanka doorashooyinka, gaar ahaan kor joogteynta iyo la xisaabtanka guddiyada kala duwan ee ka shaqaynaya doorashada.

Guddiga amniga doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin ka siiyey shaqooyinka ay qabanayaan ee ay ka mid tahay in goobaha ay ka dhaceyso doorashada la geeyo ciidammo Booliis ah oo isugu jira heer Fedaraal, heer dowlad goboleed iyo AMISOM.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
7/13/2021 9:48 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Ciidamada AMISOM ee ku sugan jasiiada Kudhaa ayaa burburiyey labo gaari waxayna dileen 11 dagaalame oo katirsan kooxda Shabaab, kadib markii ay qaadeen howlgalo cirka iyo dhulka.

7/13/2021 6:52 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Ciidanka booliiska Somaliland, ayaa ku guulaystay in ay qabtaan khamri lagu soo qariyay baabuur qaad siday.

7/13/2021 3:18 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Barlamaanka Puntland ayaa ku kala qeybsamay wax bedel lagu sameeyay xeer hoosaadka golaha wakiiladda Puntland, taasoo keentay inuu ka dhasho buuq iyo jahwareer golaha dhexdiisa ah.

7/13/2021 2:31 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Ugu yaraan 10 qaxooti Soomaali ah oo ku noolaa xeryaha qaxootiga dalka Uganda, ayaa gaajo iyo safmarka Covid19 u geeriyooday, labadii toddobaad ee ugu dambeysay.

7/13/2021 2:23 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa shalay galinkii dambe garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka sagootiyay 49 gabdhood oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga, kuwaas oo ka tirsan ciidamada Booliiska Haramcad.

7/13/2021 1:57 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Golaha amniga maamul goboleedka Jubbaland ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay arrimaha amiga deegaanada Jubbaland, waxaana kulanka shir gudoominaayay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

7/13/2021 1:28 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Rabshadaha ka socda dalka Koofur Afrika ayaa sababay dilal iyo dhac baahsan oo loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Koofur Afrika.