9/21/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 13, 2021
Ciidamada AMISOM oo sheegay in ay Kudhaa ku dileen 11 katirsan kooxda AL-Shabaab
 

Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Ciidamada AMISOM ee ku sugan jasiiada Kudhaa ayaa burburiyey labo gaari waxayna dileen 11 dagaalame oo katirsan kooxda  Shabaab, kadib markii ay qaadeen howlgalo cirka iyo dhulka.

Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay weerarkan kaga jawaabayeen kadib markii Alshabab ay weerar gaadmo ah ku beegsadeen  Ciidamada Amniga ee Jubaland.

Ciidamada Jubbaland ayaa lala beegsaday weerar jidgal ah xilli ay dib ugu soo laabanayeen saldhigooda kadib kormeer ay sameeyeen.

7 katirsan ciidamada Jubbaland ayaa la sheegay in lagu dilay weerarkaas, halka saddex kalena lagu dhaawacay.

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ee Kudha waxay sheegeen in ay xoojiyeen ammaanka saldhigga ciidamada  Jubbaland iyaga oo geeyay diyaarad helikobtar ah iyo cutub ilaalada dhulka ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
7/13/2021 9:55 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka, kuwaas oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, Gobolka Banaadir iyo Taliska AMISOM.

7/13/2021 6:52 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Ciidanka booliiska Somaliland, ayaa ku guulaystay in ay qabtaan khamri lagu soo qariyay baabuur qaad siday.

7/13/2021 3:18 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Barlamaanka Puntland ayaa ku kala qeybsamay wax bedel lagu sameeyay xeer hoosaadka golaha wakiiladda Puntland, taasoo keentay inuu ka dhasho buuq iyo jahwareer golaha dhexdiisa ah.

7/13/2021 2:31 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Ugu yaraan 10 qaxooti Soomaali ah oo ku noolaa xeryaha qaxootiga dalka Uganda, ayaa gaajo iyo safmarka Covid19 u geeriyooday, labadii toddobaad ee ugu dambeysay.

7/13/2021 2:23 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa shalay galinkii dambe garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka sagootiyay 49 gabdhood oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga, kuwaas oo ka tirsan ciidamada Booliiska Haramcad.

7/13/2021 1:57 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Golaha amniga maamul goboleedka Jubbaland ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay arrimaha amiga deegaanada Jubbaland, waxaana kulanka shir gudoominaayay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

7/13/2021 1:28 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Rabshadaha ka socda dalka Koofur Afrika ayaa sababay dilal iyo dhac baahsan oo loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Koofur Afrika.