9/21/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 13, 2021
Ciidanka booliiska Somaliland oo qabtay maandooriye si layaable Hargeysa loo soo galiyay


Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Ciidanka booliiska Somaliland, ayaa ku guulaystay in ay qabtaan khamri lagu soo qariyay baabuur qaad siday.

Keesas khamri ah ayaa lagu soo dhex qariyay jawaanada qaadka, waxaana korka laga saaray qaad si loo moodo in baabuurku qaad kaliya sido.

"Jawaanada aad arkaysan, ee qaad ku kujiro maaha qaad" sida waxa yidhi taliyaha booliiska Jeneral Dabagale.

"Baabuurtii qaadka ayaa khamri lagu soo guray, dushana qaad baa lagaga soo guray" ayuu hadalkiisa ku daray Dabagale.

Taliyaha ayaa sheegay in askartii khamriga qabatay laysku dayay in la laaluusho balse ay iska diideen.

"Gabadhii khamriga lahayd $3000 ayay usoo dhiibtay laba inan oo ay tidhi labadii askari ee qabtay siiya" yuu yidhi.

"Xataa haday lacagta ku qanci waayeen gaadhiga in lagu wareejiyo oo nootayo loo saxeexo ayay usoo gaadhay".

"Nasiib wanaag askartii lacagtii intay ka qaadeen ayay labadii inan qabteen, lacagtii, khamrigi, gaadhigi iyo inamadiba iyagoo wada ayay nookeneen" ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Dadka ka ganacsada maandooriyaha, ayaa isticmaala tabo kala duwan oo ay khamriga iyo xashiishada kusoo galiyaan Somaliland.


Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online












Click here
7/13/2021 9:55 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka, kuwaas oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, Gobolka Banaadir iyo Taliska AMISOM.

7/13/2021 9:48 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Ciidamada AMISOM ee ku sugan jasiiada Kudhaa ayaa burburiyey labo gaari waxayna dileen 11 dagaalame oo katirsan kooxda Shabaab, kadib markii ay qaadeen howlgalo cirka iyo dhulka.

7/13/2021 3:18 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Barlamaanka Puntland ayaa ku kala qeybsamay wax bedel lagu sameeyay xeer hoosaadka golaha wakiiladda Puntland, taasoo keentay inuu ka dhasho buuq iyo jahwareer golaha dhexdiisa ah.

7/13/2021 2:31 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Ugu yaraan 10 qaxooti Soomaali ah oo ku noolaa xeryaha qaxootiga dalka Uganda, ayaa gaajo iyo safmarka Covid19 u geeriyooday, labadii toddobaad ee ugu dambeysay.

7/13/2021 2:23 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa shalay galinkii dambe garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka sagootiyay 49 gabdhood oo tababar loogu qaaday dalka Turkiga, kuwaas oo ka tirsan ciidamada Booliiska Haramcad.

7/13/2021 1:57 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Golaha amniga maamul goboleedka Jubbaland ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay arrimaha amiga deegaanada Jubbaland, waxaana kulanka shir gudoominaayay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

7/13/2021 1:28 AM EST
Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Rabshadaha ka socda dalka Koofur Afrika ayaa sababay dilal iyo dhac baahsan oo loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Koofur Afrika.