4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 13, 2021
Barlamaanka Puntland oo isku khilaafay wax ka bedelka xeer hoosaadka golaha wakiiladda
 

Talaado, Luulyo, 13, 2021 (HOL) - Barlamaanka Puntland ayaa ku kala qeybsamay wax bedel lagu sameeyay xeer hoosaadka golaha wakiiladda Puntland, taasoo keentay inuu ka dhasho buuq iyo jahwareer golaha dhexdiisa ah.

Xildhibaanno katirsan barlamaanka ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha barlamaanka inuu doonayo inuu meel mariyo xeerar ka hor imaanaya dastuurka Puntland, sida qodobka tilmaaamaya xasaanada barlamaanka.

Wax bedelka xeer hoosaadka ayaa qoraya in guddoomiyaha barlamaanka uu xasaanada ku weyn karo 44 xildhibaan oo ah saddex meelood labo meel oo kamid tirada guud ee barlamaanka oo ah 66, halka uu awal hore ku wayn karay 34 xildhibaan codkooda.

Waxay kaloo xildhibaanadu ka hor yimaadeen qodob tilmaamaya in barlamaan kasta oo taga xildhibaanadiisu yeelan doonaan xuquuq iyo maamuus.

Maalintii shalay ayay ahayd markii barlamaanka loo qeybiyay wax bedelka lagu sameeyay heer hoosaadka barlamaanka Puntland, waxaana soo baxaya warar sheegaya in madaxtooyada Puntland ay dabada ka riixayso in barlamaanku diido wax ka bedelkaas.

Arrintaan ayaa kusoo aadaya xilli ay maalmo qura ka harsan tahay doorashada sanatarada aqalka sare oo ay barlamaanka Puntland doorandoonan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online