9/21/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 12, 2021
Xildhibaan Maareeye: Guddoomiye Cirro wuxuu masuul ka yahay kala jabka ku yimid guddigii doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi
 

Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya, Maxamed Xasan Cirro inuu ka dambeeyo khilaafka iyo kala jabka ku yimid guddiga doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi.

Maareeye oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho isaga iyo xubno kamid ah guddiga, ayaa sheegay in guddiga doorashada gobolada waqooyi dano siyaasadeed awgeed loogu kala qeybiyay labo qeybood oo mid walbaa uu guddoomiye gaar ah doortay.

Xildhibaan Maareeye wuxuu ku eedeeyay guddoomiyaha guddiga doorashada inuu doorasho hal dhinac ah u qabtay guddiga doorashada gobolada waqooyi, taasoo uu sheegay in ay keentay in doorasho hal dhinac ah ay meesha ka dhacday.

“Waxaan caddeynayaa in guddoomiyuhu illaa hadda u dhaqmay si masuuliyad darro ah oo aan kalsooni lagu qaban karin, waxaan raysal wasaaraha ka codsanaynaa inuu soo faro galiyo, uuna isugu yeero Cabdixaashi iyo Mahdi Guuled, lana fuliyo wixii heshiiska lagu ahaa" ayuu yiri Maareeye.

Heshiiskii 27ka May, ayaa dhigaya in guddiyada doorashada gobolada waqooyi ay soo kala magacabaan guddoomiyaha aqalka sare iyo raysal wasaare ku xigeenka, kadibna ay si wadajir ah u doortaan guddoomiye, balse arrintaas ma aysan dhicin.

Xubno kamid ah guddiga doorashada heer federal ayaa ka qeyb galay doorashada labada guddoomiye lagu kala dooranayay , sida uu sheegay xildhibaan Maareeye.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online












Click here
7/12/2021 8:54 AM EST
Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Xildhibaanada Aadan Qaasin Sulayman iyo Khadar Cali Xakiin, oo ka wada tirsan golaha wakiilada ee cusub ee Somaliland, ayaa madaxweynaha ugu baaqay in uu da dajiyo doorashada shirgudoonka wakiilada.

7/12/2021 8:08 AM EST
Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Waxaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho xubnaha guddiga doorashooyinka dowlad goboleedka Hirshabeelle, kuwaas oo iska dhex doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen.

7/12/2021 5:21 AM EST
Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Banaanbaxyo aad u xoogan oo rabshado wata ayaa ka bilaawday gobolada Gauteng iyo KwaZulu Natal ee dalkaasi Koofur Afrika.

7/12/2021 2:15 AM EST
Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaiya ayaa Xalay howgalo baaritaano ah ka sameeyay xaafado ka tirsan degmooyinka Wartanabadda iyo Hodan ee gobolka Banaadir.

7/12/2021 2:06 AM EST
Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay ku raad joogaan dadkii ka dambeeyay dilka saddex qof oo isku qoys ahaa, kuwaas oo lagu dilay meel ku dhow tuulada Saax-qurun oo kutaala galbeedka magaalada Gaalkacyo.

7/12/2021 1:45 AM EST
Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Bohol Garas oo ka mid ah deenaanada hoos yimaada degmada Dooloow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya laba Maleeshiyo Beeleed.