4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 12, 2021
Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay gobolka Gedo
 

Isniin, Luulyo, 12, 2021 (HOL) - Wararka ka imaanaya deegaanka Bohol Garas oo ka mid ah deenaanada hoos yimaada degmada Dooloow ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeya laba Maleeshiyo Beeleed.

Dagaalka dhexmaray labada Maleeshiyo Beeleed ayaa la sheegay inuu salka ku haayo murun la xiriira lahaansho dhul ku yaala deegaankaasi.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka labada Meleeshiyo beeleed ku dhintay ilaa 6 ruux waxaana ku dhaawacmay tiro intaasi ka badan sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wasiirka amniga maamulka Jubbaland oo ka hadlay dagaal beeleedka Bohol Garas ka dhacay ayaa ugu baaqay labada Maleeshiyo iney si deg deg ah ku joojiyaan dagaalka u dhaxeeya wax walbana ay miiska wadahalka ku dhameystaan.

Waxuu intaasi ku daray iney deegaanka lagu dagaalamay ay geeyn doonaan ciidamo kala dhexgala labada Maleeshiyo beeleed ee dirirtu u dhaxeyso.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]