4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 11, 2021
Xulka Qaranka Taliyaaniga oo 53 sano kadib ku guuleystay koobka Yurub ee UEFA Euro 2020


Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Ciyaar adag oo garoonka Wembley ee ku yaallo waqooyiga magaalada London ku dhex martay wadamada Taliyaaniga iyo Ingiriiska, ayaa guushu waxay ku raacday dalka Taliyaaniga oo markoodii labaad ku guuleystay koobka horyaalada Yurub ee loo yaqaano UEFA Euro.

Ciyaarta oo xilligii loogu tala-galay ee sagaashanka daqiiqo ku dhammaatay 1 iyo 1, ayaa waxaa lagu daray 30 daqiiqo oo dheeraad ah taasoo aanan waxba ka beddelin natiijada ciyaarta.

Waxaana loo dhigay labada dal rigoorayaal ama gool ku laadyo ay 3 iyo 2 guushu ku raacday wadanka Taliyaaniga. Iyadoo sadddex rigoore oo isku xiga laga qabtay Ingiriiska.

Xiddigaha lagu naaneyso Gli Azzurri ee Taliyaaniga oo ka mid ah xulalka ugu guulaha badan taariikhda Koobka Adduunka, ayaa sannadkaan mar kale sii badsaday tirada koobabka uu qaaday.

Xulkaan oo markii ugu dambeysay ee koobka Yurub uu ku guuleysto ay aheyd 53 sano ka hor sanadii 1968-kii ayaa sannadkaan soo bandhigay ciyaar qurux badan, waxaana u suuro gasho mudo dheer ka dib iney hantiyaan koobkaas.

Sanadihii la soo dhafay labo mar ayuu Taliyaanigu yimid final-ka tartankaan, waxayna kala ahaayeen sannadihii 2000 iyo 2012-kii balse wakhtiyadaas uma suuro galanin iney ku guuleystaan Koobka Yurub.

Ugu dambeyn Taliyaaniga koob caalami ah oo ay ku guuleystaan waxaa ogu dambeysay sanadkii 2006-dii oo ay qaadeen koobka adduunka, balse taariikhda ayaa mar kale waxaa lagu qori doonaa in Italy ay sannadkaan 2021, ku guuleysateen tartanka Yurub ee Euro 2020 oo sannadkii hore u baaqday cudurka Covid-19 dartiis.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected]