4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 11, 2021
Natiijada doorashooyinkii ka dhacay dalka Itoobiya oo la shaaciyay
 

Axad, Luulyo, 11, 2021 (HOL) - Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa guul weyn ka gaaray tartankii doorashooyinka dalka Itoobiya oo si rasmi ah loo shaaciyay natiijada doorashooyinkii dhacay.

Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii 21-kii bishii June ka dhacday gudaha dalka Itoobiya, islamarkaana sheegay in Xisbiga haya talada dalkaasi ee EPP iney 436 kursi oo ka mid ah kuraasta Baarlamaanka oo la shaaciyay ayay kaga guuleysteen 410 kursi.

Doorashooyinka ka dhacay dalka Itoobiya ayaa la sheegay ineysan wali ka dhicin ku dhawaad 100 deegaan doorasho sababo la xiriira amniga iyo arrimo kale.

Gobolka Tigraay ayaa ka mid ah meelaha aysan ka dhicin doorashada halkaasi oo ay ka jiraan dagaalo qaraar, waxaana jirta in deegaanada Soomaalida dib loo dhigay doorashadooda taasoo loo asteeyay 6-da bisha September ee sanadkan 2021

Doorashooyinka ka dhacay dalka Itoobiya bishii lasoo dhaafay ayaa ku soo beegmay xili deegaano badan oo ka tirsan dalkaasi Itoobiya ay ka socdeen dagaalo kulul oo muddo sideed bilood ah socday kuwaas oo u dhaxeeyay Militariga dalka Itoobiya iyo Falaagada Tigraayga.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]