4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 10, 2021
Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo


Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Ra'sul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa ka dagay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkaas oo si ballaaran loogusoo dhoweeyay.

Safarka raysal wasaaraha wuxuu ku saabsan yahay sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa khilaafka siyaasadeed ee dowladda Federaalka iyo Jubaland ee la xiriira maamulka gobolka Gedo oo muddo dheer soo taagnaa.

Raysal wasaare Rooble iyo guddiga dib u heshiisiin gobolka Gedo ah, ayaa Garbahaareey ka bilaabi doona dardargalinta hannaanka doorashada, madaama magaalada Garbahaarey ay kamid tahay labada magaalo ay ka dhici doonto doorashada xubnaha aqalka hoose ee Baarlamaanka oo ay deegaan doorashadooodu tahay Jubaland.

Ra'isul Wasaare Rooble ayaa intii aanu ka ambabixin magaalada Kismaayo wuxuu sheegay in uu booqasho ku tagi doono dhammaan magaalooyinka ay ka dhici doonaan doorashooyinka dadban.

Safarka xiga ayaa la filayaa inuu ku tago magaalada Bosaso oo katirsan Puntland iyo Jowhar oo Hirshabeelle ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online