4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 10, 2021
Puntland oo sheegtay in ay kooxda Daacish ka saartay farriisin ay ku lahaayeen kooxda Bari

Sabti, Luulyo, 10, 2021 (HOL) - Ciidamada amniga Puntland oo shalay qaaday hawlgal ciidan ayaa kooxda Daacish ka saaray fariisinkoodii tuulada Timirshe ee gobolka Bari, sida lagu sheegyay qoraal kasoo baxay taliska ciiddanka nabad sugida Puntland ee PSF.

Taliska PSF ayaa shaacisay in ay hadda farriisiinkaas gacanta ku hayaan ciidamada Puntland, waxayna tilmaameen in ay tallaabadan guul u tahay dagaalka lagula jiro waxa loogu yeero argagixisada qatarta ku haysa amniga Puntland.

Kooxda Daacish ayaa farriisinkan kasoo abaabuli jiray weerarada ka dhanka ah Puntland, waana meel istaraatiiji ah oo ka caawin jirtay in ay ku dhuuntaan dagaalamayaashooda.

Dhawaan ayay ahayd markii Puntland ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah kooxda Daacih kadib markii wasiirka amniga iyo wafdi uu hogaaminayay qarax lagula eegtay gobolka Bari uu ku geeriyooday hal askari.

Daacish ayaa weli farriisimo muhiim ah ku leh buuraha gobolka Bari, inkastoo sanadihii u dambeeyay uu hoos u dhacay falalkii ay Bosaso ka geysan jireen kadib markii gacanta looga dhigay xubno sare iyo dagaalamayaal.

Tan iyo weerarkii bishii march ee lagu qaaday xabsiga Bosaso, Puntland ayaa aad u adkaysay amniga gobolka Bari.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online