4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 1 , 2021
Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo sheegay in aduunku Soomaliya caawiyo lakin ay amniga ilaalin kariwayday
 

Khamiis, Luulyo 1, 2021 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Somaliland ilaalinta amniga kaga duwantahay dowlada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in adduunku taageero xoogan siiyo dowlada Soomaaliya lakin ay ku guuldaraysatay in ay amniga sugto.

"Yurub, Maraykan iyo caalamka Carabtu ba Soomaaliya ayay wax siiyaan, waxaynu ka warhayna in nabad galyadaradu sii kordhayso" ayuu yidhi.

"Dilka, xasuuqa, beelaha isdilaya, mukhadaraadka, tuugada way kordhayaan" ayuu hadalkiisa ku daray.

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland dowlada Soomaaliya kaga duwantahay ilaalinta amniga.

"Waxaynu ku kala duwanahay waa amniga ilaalintiisa" ayuu yidhi.

Wasiirka ayaa la hadlayay 700 askari oo boolis ah oo tababar looso xidhay.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiraan Online
[email protected]