4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 1 , 2021
Wasiirka warfaafinta Somaliland oo hambalyo u diray dhalinyarada Laascaanood iyo Borama
 

Khamiis, Luulyo 1, 2021 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yusuf Cali Koore, ayaa hambalyo udiray qaar kamida dhalinyarada Borama iyo  Laascaanood oo muuqaalo iska soo duubay iyago ku labisan calanka Somaliland.

Wasiir Koore ayaa sheegay in dhalinyaradani muujiyeen dal jacayl.

"Waan hambalyeeynayaa dhalinyarada Borama iyo Laascaanood kuso bandhigay barnaamijyada ay ku muujinayan dal jacayl kooda" ayuu yidhi.

"Iskana diiday dhalanteedka iyo indho sircaadka kolba cadowgu usoo maleegayo" ayuu hadalkisa ku daray.

Wasiirka ayaa dhamaan dhalinyarada Somaliland ku booriyay inay isku duub naadan oo ay Somaliland jecladan.

"Dhalinyarada Somaliland waxan leeyahay isku duub naada oo dalkiina jeclaada" ayuu yidhi.

Qaar kamida dhalinyarada ku dhaqan Borama iyo Laascaanood, ayaa bilaabay barnaamij ay ugu magac dareen "Kaygu waakan" oo ay ku muujinayaan in ay calanka Somaliland leeyihiin.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]