4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 31, 2021
Qaryaqaan Mubarik Aar oo sharcidaro ku tilmamay habka ay gudida xulista musharixinta ee xisbul xaakimka Kulmiye ku aqbaleen musharaxnimada mayor Soltelco
 

Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL)- Garyaqan Mubarik Aar oo manta warbahinta kula hadlay magalada Hargeysa, ayaa sheegay in gudida xulista musharixinta ee xisbiga kulmiye anay si hufan uga fiirsan musharaxnimada mayor Soltelco ee uu marlabad ugu ordayo golaha deeganka ee casimada Hargeysa.

Garyqanka ayaa sheegay in mayor Solteclo aanu buuxinin shurudhihi looga baahnaa si uu markale isku soo sharxo, garyaqanka oo arinkan ka hadalaya ayaa yidhi.

“Mayor ka casimadu waa nin muwadina oo in uu isasoo sharaxo xeerku wuu siinayaa lakin sadex jaran jaro ayaa jirta oo aanu sadexda  midna aanu dhaafayn oo sadexduba ay qabanayan, sadexda jaran jaraba xeerka sheegaya. Sadexda jaran jaro waxa loogu talo galay in lamariyo qofka musharaxa ah si qofkii saxda aha loo so saaro. Jaran jarada 1aad  ee uu xeerka doorashoyinku sheegaya waxa weeyan waxa jirta gudi layidha gudida xulista musharixinta , gudidasi oo  awood uleh in ay soo xulan musharaxa ku haboon ina uu golaha deeganka kamid noqdo iyaga oo eegaya 12 shardi oo loodhigay in musharixinta golaha deeganka lagu xulo, 12 kaa shuruudood 2 kamid ahi manta mayor Soltelco way qabanayan, waxana qodobada kamida in qofka golaha deeganka ku biirayaa uu yahay qof xilkas ah oo ay jirto masuuliyad hore loogu dhiibay oo uu kasoo baxay. Soltelco xilkii uu hayay in uu kasoo baxay iyo inkalena idinkaa ka jawabaya”.

Garyaqanka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in qodobka 2aad uu sheegayo in hantida mayor ka dib isku sharaxaya la tiro kobo, tasi oo uu sheegay in aan mayor Soltelco lamarin.

Sidookale garyaqanka ayaa sheegay in xeerka doorashoyinka qaranku uu dhigayo in hogaanka xisbiga uu mayorku iska sharaxayo oo uu madaxwayhuhu kaw kayahay in ay wajib ku tahay in ay si wadaniyadi ku dheehantahay ay u baadhan in mayorku xaq u leeyahay in uu marlabad is sharxo iyo inkale iyada oo lasarayo miisanka sharciga ah ee xeerka doorashoyinka.

Mayorka casimada Hargeysa aya kadib mudo 9 sanadood oo uu xukumayay casimada Somaliland ee Hargaysa markale xusulduub ugu jira sidii uu marlabad xilkaa ugu guulaysan laha.

Abdullahi Abdirahman, Hiiraan Online