4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 31, 2021
James Swan oo madaxweyne Farmaajo ku boggaadiyay shirka uu ku baaqay

 

Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL) -  Wakiilka Qarramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa soo dhaweeyay baaqii madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee shirka lagu waddo in uu ka furmo magaalada Dhuusa-Mareeb.

Wuxuu sheegay in shirka Dhuusa-mareeb  looga baahan yahay in ay la yimaadaan ka qeybgal wax ku ool ah iyo dareen isu-tanaasul si loo gaaro heshiis wadajir ah si degdeg ahna lagu fuliyo noocii doorasho ee 17-kii Sebtember.

Maalinta berri ah ayaa shirkaasi lagu ballansan yahay inkastoo laga yaabo in uu dib ugu dhaco, hasse ahaatee waxaa muuqata in madaxda dowlad gobolleedyada u diyaarsan yihiin ka qeybgalka shirkan uu noqonaya mid lagu go'aamiyo xiliga doorashada iyo in heshiis laga gaaro qoddobada leysku hayo.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]