4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 31, 2021
Faahfaahino kasoo baxaya dad shacab ah oo lagu xir xiray magaalada Baledweyne
 

Axad, Janaayo, 31, 2021 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhalinyaro xalay ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya iyo kuwa Nabad-sugida Baledweyne aay ku xireen magaalada Baledweyne.

Dhalinyarada xalay lagu xiray xabsi ku yaala xerada Militariga Lamagalaay oo aay ku leedahay Hay'adda Nabad-sugida ayaa lagu kala magacaaba Xasan Habi, iyo Ruun Sagaal-geed oo dhamaantood ka mid ah dhalinyarada sida weyn looga yaqaano magaalada.

Dhalinyaradan ayaa loo xiray Shir aay kaga qeyb galeen gudaha magaalada Baledweyne oo aay dhalinyarada gobolka Hiiraan kaga arin sanayeen xaalada guud ee gobolka Hiiraan.

Gabagabadii majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay laamaha amniga Baledweyne oo la xiriira xariga dhalinyaradan marka laga soo tago shirka aay kaga qeyb galeen Baledweyne oo ahaa mid lagu dhaliilay jiritaanka Hirshabeelle iyo hanaankii loo maray hab dhismeedkeeda labaad, mana ahan markii ugu horeysay oo dad shacab ah loogu xirxiro fakirka aay ka qabaan jiritaanka Hirshabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]