4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 30, 2021
Kenya iyo UK oo iska kaashanaya dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab

 

Sabti, Janaayo, 30, 2021 (HOL) - Dowladdaha Kenya iyo Britain ayaa iska kaashanaya dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada gaar ahaan Ururka Al-shabaab kaddib wada hadal magaalada Nairobi ku dhaxmaray xoghayaha gaashaandhigga UK, Ben Wallace iyo wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Dr Fred Matiang’i iyo wasiirka gaashandhigga Kenya, Monica Juma.

Heshiis ay kala saxiixdeen labada dhinac ayaa dhiggaya in labada dowladdood ay iska kaashanaadaan dagaalka lagula jiro xoogagga ururka Al-shabaab oo khatar ba'an ku haya dalka Kenya oo dhowr jeer oo hore ay weerarro culus ku qaadeen.

Labada dowladdood ayaa iska kaashan doona xogta ku saabsan dhaqdhaqaaqa kooxda qorshayaasha la xiriira weerarrada ay fuliyaan.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer weerarro kala duwan ka fuliyay gudaha dalka Kenya oo ay ku jirto caasimada Nairobi waxaana ay weerarradaa ay galaafteen nolasha dadka badan oo isugu jira Kenyaan iyo ajaanib  dalkaasi siyaabo kala duwan u joogay.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]